Madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya oo maanta la kulmay Antonio Guterres (Daawo sawiro)

0 327

Waxaa maanta soo gaaraymagaalada baydhabo ee xaruunta gobolka baay xogayaha guud ee QM Antonio Guterres waxaana safarkiisa ku wehliyey xubno ay kamid ahayeen kusimaha wasiirka arimaha dibada soomaaliya Cabdisalaan Cumar hadliye iyo wakiilka soomaaliya ee QM Yuusuf Garaad cumar iyo Ergeyga gaarka ee QM arimaha soomaaliya.

markii ay soo gaareen magaalada baydhabo waxa ay la kulmeen madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan waxa ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

xogayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa booqday Cisbitaalka weyn ee magaalada baydhabo iyo qaar kamid ah kaamamka ku yaala magaalada baydhabo.

Antonio Guterres ayaa waxa sheegay in ay wax ka qaban doonaan abaaraha ka jira dalka soomaaliya gaar ahaan abaaraha ka jira gobolada baay iyo bakool.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.