Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Jabuuti

0 96

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Djibouti ee Xarunta Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxaana markii dambe loo gelbiyay goobtii loogu talagalay in laga dejiyo magaalada, mudada ay jooggi doonaan magaaladaasi.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha ay safarkan ku wehliyan Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Qoraalka laguma sheegin ujeedada uu xilligan Madaxweyne Deni u tagey Magaalada Jabuuti, balse waxaa la fillaya in uu kula kulmo Madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Jabuuti oo xiriir dhow la leh Somaliya ayaa Puntland kala shaqaysa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, horumarka iyo ganacsiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.