Madaxweynaha Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya

0 366

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Hargeysa ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin horumarka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland 20 sano ee lasoo dhaafay ku jirtay horumar, islamarkaana aysan suurtagal aheyn ay hoos fadhiisato dowlada Soomaaliya oo wali burbursan.

Muuse Biixi ayaa xusay in ay la socdaan dacwaddii laga gudbiyay Dowladda Imaaraadka Carabta ee loo gudbiyay Qaramada Midoobey, isagoona sheegay in dowladda Imaaraadka ay yihiin saaxiibo dhow.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo hadalqaaday Khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka iyo sidoo kale maamul goboleedyadda oo sheegay in ay yihiin dowlado Madax banaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.