Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo kulmay

0 117

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Madqxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya Amniga Magaalada Gaalkacyo ee la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashi la xiriira ka hortegida Colaad Beeleedyo ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.