Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Addis Ababa

0 158

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay Qaraxii Maanta ka dhacay goob uu khudbad ka jeedinaayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay Qaraxaasi,islamarkaana ay Cambaareynayso.

“Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitter-ka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Khadka Taleefanka kula hadlay Abiy Ahmed,islamarkaana u sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.