Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka

0 328

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane MaxamedCabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee
xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka
iyo Ganacsatada Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka
dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo
horumarinta fursadahaganacsi ee dalka.Hormuudka ganacsatada ee uu la kulmay
Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan
qorsheyaasha lagu hormarinayo dalka, iyagoona xaqiijiyey in ay markasta garab taaganyihiin
dowladdooda si looga gudbo waqtiyadii muragada badnaa ee soomaray shacabka
Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliya kaalinta qiimaha badan
ee ay ka qaateen samata bixinta dalka muddadii bur burka, waxa uuna ugu baaqay in ay sii
laba laabaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo hiigsiga ku saleysan Soomaaliya nabad ah,
dadkeeduna nolol wanaagsan ay heystaan.
Intaas kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa
xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ah dhismaha ugu dheer
ee laga hirgeliyey magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxa uu daah furay adeegga Internetka
ee xawaarehiisu sarreeyo (Fiber Optic) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo deegannada
Puntland.
“Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen
dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo
hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu kormeeray qaybo ka
mid ah suuqyada magaalada Boosaaso iyo goobaha loo nasasho tago isagoona ka soo
dukaameystay goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso waxa uu kulamo wada tasho oo
ku saabsan mustaqbalka dalka iyo dib u dhiska Qaranka la qaadanayaa qeybaha kala duwan
ee Bulshada Gobolka Bari

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.