Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabis sameeyay

0 119

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan,kaas oo xilkaasi si KMG ah u haayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan.

4-tii Bishii Janaayo ee sanadkaan 2020 ayaa Xildhibaannada Golaha Shacbaka waxaa ay ansixiyeen Sharciga duulista Rayidka halka 10-kii Bishii Febaraayo ay Xildhibaannada Aqalka Sare dhankooda ansixiyeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.