Madaxweyne Farmaajo” oo sheegey in Muddo kooban lagu ciribtirayo Al-Shabaab”

0 256

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoojin doonto duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka socda Gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalalka caalamka ka codsan doonto in duqeymaha la xoojiyo si looga adkaado Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in duqeymaha ay ka mid yihiin tilaabooyinka looga hortaggikaro Weerarada Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in Al-Shabaab aan looga adkaankarin Ciidamada dhulka oo kaliya, waxaana sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in sanadkaan lasoo Afjaro Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kaloo uu ka hadlay Sababta loo Magacaabi La’yahay taliyeyaasha Hay’addaha Nabad Suggida iyo Booliska.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.