Madaxweyne Farmaajo oo u duulay dalka Biljamka iyo u jeedka oo la shaaciyey

0 137

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaagi Farmaajo,si uu uga qeyb galo shirka Iskaasiga Caalamka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kasii sagootiyey,Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax kale,waxa uuna dalka Belgium-ka uga qyeb geli doonaa Shirka Iskaasiga Caalamka oo ay ka qeyb geli doonaan Madax farabadan oo Caalamka ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka Warbixinayey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi uu daba socdo shirarkii Bishii December lagu qabtay Muqdisho iyo shirkii Bishoo May ee London lagu qabtay,isla markaana looga hadli doono arrimaha soomaaliya,sida dhaqaalaha amniga Qaranka iyo horumarka Soomaaliya.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul goboleedyada qaar la filayo in shirkaasi ay ka qeyb galaan wallow qaarkood ay diidan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.