Madaxweyne Farmaajo oo xariga jaray Garoonka Muqdisho Studium

0 78

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Studium.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dowladdu ay dadaal ku bixisay dib u dayactirka Garoonka.

Waxaa uu tilmaamay in maanta laga bilaabo ay furan tahay tuullada Ciyaaraha dalka.

Hay’addo caalami ah ayaa ka taageeray dowladda Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub iyo dowladda Norway, iyadoo mashruuca taaba gelintiisa mas’uul uu ka ahaa Hey’adda NIS Foundation

Waxaa galabta lagu daahfuray Ciyaar u dhaxeysa labo Kooxood.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.