Madaxweyne Gaas “Shirka aan Muqdisho uga qeybgalayno micnihiisu ma ahan in Puntland ay ka tanaasuleyso Mowqifyadii ay aaminsaneyd”

0 313

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta aan kasoo amba bixin magaalada Garoowe warfidiyeenada kula hadlay waxaa uuna sheegey in maamulka Puntlanda marnaba aysan bedeli doonin mowqifkeeda ku aadan arimaha federalka iyo dowlada federalka ay ka qabaan  intuba.

Madaxweynuhuu waxaa uu  sheegey in Puntland marnaba aysan u cuntameynin arimaha federalka, isagoo tilmaamey in shirka wada tashiga ay ka sheegi doonaan  wax walba  ay tabanayaan dowlada federalka.

“Shirka aan Muqdisho uga qeybgalayno micnihiisu ma ahan in Puntland ay ka tanaasuleyso Mowqifyadii ay aaminsaneyd, annaga wax walba oo aan tabaneyno madasha wada tashiga ayaan ka sheegaynaa, shacabka Puntland wax aysan ku qanacsaneen kama keenno donno Muqdisho” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.