Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Cadaado gaaray

0 148

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa goor dhow waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Madaxweyne Xaaf uu ka dhaxeeyo Khilaaf ka dhashay isku darkii Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.