Madaxweyne Lafta-gareen Oo Ka Qeyb Galay Kulan Dood Wadaag

0 251

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Dib U Eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan dalka ee laba aqal Baarlamaanka somaliya kuwaas oo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha hortabinta u leh.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo xubnaha labada Guddi ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku aaddan hawlaha qabsoomay muddadii ay shaqaynayeen.

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa hoosta ka xarriiqay inuu meel fiican marayo geeddi-socodka dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo hadda la gagabeeyay qaybta la xiriirta arrimaha farsamada iyo dib u eegista qodabbada iyo qoraalka dastuurka, balse loo baahan yahay in wada xaajood loo dhan yahay laga yeesho qodabbada masiiriga ah ee siyaasadda la xiriira.

Madaxweyne Lafta-gareen oo shir guddoominyey kulankan ayaa markii uu dhegaystay warbixinnada waxa uu sheegay in mamamulkiisa mudnaanta kowaad siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka iyada oo xoogga la saarayo xasiloonida iyo wadashaqaynta siyaasadeed ee ka dhexaysa laammaha dowladda.

“Waxaan aaminsanahay inaad geeddiga soo gaarsiiseen meel fiican oo la dhammaystiri karo. Waxa arrintan qayb ka qaatay xasiloonida siyaasadeed ee aan haysanno oo aan aaminsanahay haddii aysan jiri lahayn inay hawsha aad haysaan intan ka sii adkaan lahayn. Waxa loo baahan yahay in xasiloonidaas la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada kale ee dalka.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hawsha dhammaystirka dastuurku ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed, sidaasi awgdeedna ay muhiim tahay in laga hawlgalo sidii qayb looga geysan lahaa fududaynta iyo taageerada hawshan Qaran iyada oo laga tanaasulayo danaha shakhsiga ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiga Dib U Eegista Dastuurka kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag isaga oo ku boorriyey in la dardargeliyo dadaallada haatan socda.

Shirka waxa ka qaybgalay Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka xukumadasomaliya xuseen cabdi ,gadoomiyah barlamanka konfur galbed cabdulqadir shariif sheekhuna,Sanatar xussen Xog hayaha gudiga Dib u Eegista Dastuurka laba aqal iyo odayasha dhaqanka konfur galbeed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada mamulka .

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.