Madaxweyne Laftagareen iyo Malaaqyada KG oo kawada hadley Xulista Xilibaanada(SAWIRO)

0 245

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta Qado Sharaf U sameyey Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed,

Madaxweyne Laftagareen ayaa Mudooyinkii U dambeyey waxaa uu laqadanayey kulamo Wadatashi ah oo looga hadlayey Sidii Baarlamanka 2aad ee Koonfur Galbeed loo Dhisi lahaa,

Kulanka ayaa sido kale Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo Labadiisa Ku Xigeen.

Kulanka kadib waxaa Warbaahinta lahadley Malaaq Deerow Yacquub oo ah Afhayeenka Malaaqyada Koonfur Galbeed wuxuuna sheegey Odayaasha in ayideen oo ay ku raaceen madaxweyne Laftagareen Gudigii Doorashada ee uu Magacaabey,

Malaaq Deerow Yacquub ayaa sidoo kale sheegey in maalinta Sabtiga ee soo socda Tababar loo furi doono Gudiga iyo Malaaqyada ee soo xulaya Xilibaanada Labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Ugu dambeeyn Malaaqa ayaa Madaxweyne Laftagareen uga mahadceliyey wadatashiyada uu la yeelanayo Odayaasha iyo sida ay uga go,antahay sidii loo soo xuli lahaa Xilibaano Tayo leh oo Matala Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.