Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Baraawe

0 157

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta gaaray Degmada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Baraawe kusoo dhaweeyay maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

U jeedka Madaxweynaha koonfur Galbeed uu u tegay Baraawe ayaa ah sidii uu xariga uga jari lahaa Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo dib u dhis lagu sameeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa kamid ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye,Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa la filayaa in mashaariic horumarineed laga fuliyo Degmada Baraawe ee Gobolka shabeellada hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.