Madaxweyne Laftagareen Oo Magaalada Nairobi kula kulmey Madaxda Hay,adaha IOM&ICRC[SAWIRO]

0 81

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Dardar gelinaya Howlaha Shaqo ee uu ujooga Magaalada Nairobi ayaa Kulan la Qaatay Madax ka socotay Hayy’addaha IOM iyi ICRC.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Hay,adda IOM waxaa uu kala Hadlay Arimaha Xalka Waara ee Dib loogu Celinayo Dadka Barakacayaasha oo Haatan Ku Nool Qeybo kamid ah Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Madaxda Hay’adda IOM ayaa Sheegey in ay Diyaar u yihiin Sidii ay Wax uga Qaban lahayeen Arimaha Barakacayaasha iyo Sidii ay u heli lahayeen Barakacayaasha Guryo ay ka Galaan Roobabka iyo Qoraxda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Safar Shaqo ku Jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sido kale Kulan la qaatay Madaxa Hay’adda ICRC Geeska Africa uqaabilsan Waxayna kawada Hadleen Arimihii Hay’adda ay ka waday Deegaanadda Koonfur Galbeed iyo Sidii Loo Xoojin lahaa Maadama Mudo ay Gaabis ay Ku Jireen.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Madaxa Hay’adda ICRC Kala Hadlay inay kala Shaqaynayaan Sidii ay Gacan uga Siin lahaayeen Howlaha Shaqo ee ay Kawadan Deenaadda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Dhankiisa Madaxda Uga Mahadceliyey Shaqada Baaxada leh ay ka hayaan Deegaanadda Koonfur Galbeed Waxaana uu ku Dhiira Geliyey inay Sii laba Jibaaran Shaqada ay ka hayaan Deeganadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaana Shirka inta uu Socday Qeyb ka ahaa Madax ka Socotay Hay’addaha Deeqaha Bixiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.