Madaxweyne Qoorqoor oo kormeeray goobaha ugu muhiimsan ee Magaalada Dhuusamareeb

0 150

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa caweysnimadii xalay kormeeray goobaha ugu muhiimsan, ee ku yaala Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u kuurgalay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada ka jira iyo xaaladda nololeyd ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweynaha oo kormeer ku tagey goobaha ay dhalinta isugu timaado ayaa la yeelanayay kulamo xog wareysi ah, isagoona wax ka weydiinayay xaaladda amni ee magaalada iyo sida ay tahay noloshada bulshada degan magaalada.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo lagu soo daadiyay wadooyinka goobihii uu booqanayay Madaxweynaha ayaa la arkayay, iyagoo amniga suggaya.

Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame.

Waa kormeerkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah uu Madaxweyne Qoorqoor ku bixiyo Magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii xilka loo doortay 2dii bishii hore ee February.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.