Madaxweyne Shariif Xasan oo xalay kulamo Baraawe kula qaatay dadka degaanka

0 191

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xalay ku hoyday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii shalay uu gaaray magaaladaasi.

Ujeedka uu Shariif Xasan u tagay magaalada Baraawe ayaa waxa ay aheyd sidii Maamulka Koonfur Galbeed ugu soo guuri lahaa Magaalada Baraawe, Maamulka hada wuxuu si KMG ah ugu shaqeeyaa Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa xalay kulamo dib u heshiisiineed la qaatay Maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wada qorshe uu Gole degaan ugu sameynayo degmada Baraawe, taasi oo ujeedkeeda uu yahay sidii shacabka ay ugu wada shaqeyn lahaayeen si wadajir ah.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in dhowaan ay soo gaba gaboobi doonaan dhismayaasha uu ku shaqeyn lahaa Maamulka iyo ilaha dhaqaale ee degmada, oo hada Baraawe laga dhisayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.