Madaxweyne Waare oo amar dul-dhigey Golihiisa Wasiirada

0 133

Dhawaan ayaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle inay fadhi ka yeeshaan miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 si ay u ansixiyaan,si loogu gudbiyo Xildhibaannada Maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku amrey dhamaan Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ee ka maqan Magaalada Jowhar ha ahaan kuwa fasaxa ku maqan iyo kuwo kale inay si deg deg ag dib ugu soo laabtaan.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle daa’uud Xaaji Ciro oo faah faahinayey War kasoo baxay Madaxweyne Waare ayaa sheegay in inta lagu jiro diyaar garoow horkeenida golaha Miisaaniyadda Maamulka Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 inay Golaha soo xaadiraan.

Amarkana ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare waxaa uu dul-dhigey Wasiirada xilli shalay Gelinkii dambe uu dib ugu laabtey Jowhar,isaga oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.