Madaxweyne Waare oo farageliyey khilaaf u dhaxeeya Xubno kamid ah Maamulkiisa

0 152

Maalmo ka hor Wasiirka Maaliyada Hirshabelle waxaa uu Shaqa joojin ku smeeyey Agaasimihii Wasaarada Maaliyada Hirshabeelle Khadiijo Shiikh Axmed,waxaana arrintaasi soo fargeliyey Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Hir-Shabeelle lana ogeysiiyey Wasiirka Maaliyadda Hir-Shabeelle iyo Agaasimaha Wasaaradda ayaa la farey in la joojiyo dhaqan gelinta Warqadii Agaasimaha Shaqa joojinta loogu sameeyey.

Sidoo kale war-saxaafadeedka Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in dhamaan Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ay kasoo qeyb-galaan shir deg deg ah,qofkii kasoo qeyb-geli waayanaa loo aqoonsanayo in uu ka tanaasuley Shaqadii Wasaaradda Maaliyadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.