Madaxweyne Waare oo kulan la qaatey Hay’adaha Samafalka

0 172

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa Magaalada Baldweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan uu hataan kulan deg deg ah kula leeyahay Hay’adaha samaalka ee ka howgalla Gobolka Hiiraan.

Ujeedka kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay sidii wax looga qaban lahaa Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacey deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,waxaana kulanka qeyb ka ah Maamulka Gobolka iyo kan degmada Baladweyne.

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa waxaa uu ka dilaacey deegaano ka tirsan Gobolka hiiraan,waxaana isbitaalka Baladweyne la dhigey in ka badan 75 ruux oo uu Cudurkaas soo ridey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.