Madaxweyne Waare oo Magacaabay Wasiiro Cusub

0 119

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilalkii Ka qaaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga mudane Geelle isaaq Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab.

Waare ayaa sidoo kale Magacaabay badalka labadda ruux ee xilka laga qaaday Wasiir ku xigeenka amniga ayaa loo Magaacabay Mudane Xasan Maxamed Cilmi, waxaana sidoo kale wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada loo magacaabay Mudane Yuusuf Sh. Xasan Macalin.

Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa shalay ku dhawaaqay in inuu iska casilay xilkii Wasiir kuxigeenka Amniga maamulkaas.

Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Beledweyne ayuu ku sheegay inay timid kadib markii Taliyaha Booliiska Gobolka uu joojiyey banaabax lagu taageerayey Dowlada Soomaaliya oo uu Wasiir kuxigeenka qeyb ka ahaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.