Magaalada Baraawe oo Nin Mareykan Ah Oo Isa Soo Dhiibay

0 1,261

(Radio Baidoa, 08 Disembar 2015 ) Nin la sheegay inuu u dhashay dalka Maraykanka oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ku sugan magaalada Baraawe, sida uu Radio Baidoa  u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu kasoo baxsaday dagaalka dhex maraya Al-Shabaab ee ku saleysan ka mid noqoshada kooxda Daacish ama in lagu si jiro kooxda Al-Qaacida.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkan uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u cabsaday, oo uu soo cararay.

Ninkan oo  magaciisa lagu sheegey Malik Abdisamad Jones, waxaa sidoo kale laga soo xigtay in dad ay saaxiibo ahaayen oo ajaaniib ahaa ay dileen koxoda Al-Shabaab.

Malik Abdisamad Jones Mar wax laga weydiiyey sababaha uu isugu soo dhiibay waxa uu tilmaamay inay dhiirigelisay markii uu maqlay inay Dowladda Somalia cafis u fidisay Dagaalamayaasha Alshaab, wuxuuna rajo ka bixiyey inuu ku laaban doono Gobalka uu ka soo jeedo  Maryland ee dalka Maraykanka.

Waxa uu sheegay intii uu Alshabaab la joogay inuu guursaday labo xaas oo ay u dhaleen 3 carruur ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.