Magaalada baydhabo oo soo saartay amar la xiriira maalinta Ciida

0 292

Waxaa maalmo kooban ay inaga xigaan maalinta farxadeed Ciidul Fidriga, maadaama ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan, oo inta badan ummada Islaamka ay soo soomeen.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku soo badanaya waxyaabaha ay caruurta ku cayaaraan maalinta Ciida, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Bastooladaha baaruuda ay ka dhacdo ee caruurta, iyo waxyaabo kale.

Ganacsatada magaalada Baydhabo ayaa suuqayada magaalada Baydhabo ku iibinaya agabka ay isticmaalaan caruurta, maalinkaasi Ciida
Go’aan ka soo baxay laamaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Ganacstada looga digay in ay caruurta ka iibiyaan bastooldaha ka dhaca baaruuda.

Taliyaha saldhiga Booliska magaalada Baydhabo Mukhtaar Axmed Ibraahim oo la hadlay Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay amarkan ka soo baxay laamaha ammaanka maamulka Konnfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.