Mareykanka oo digniin u diray muwaadiniintiisa ku sugan Jabuuti

0 116

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka Jabuuti ayaa waxaa digniin culus loogu diray mawaadiniinta u dhashay dalka Mareykanka ee ku nool Gudaha dalkaasi Jabuuti.

Qoraalka safaarada ayaa lagu sheegay in digniintaan ay daba socoto banaanbax ay mucaaradak dalka Jabuuti qorsheynayaan maanta oo jimce ah,kaas oo ay ka dhalan karaan rabshado saameyn kara muwaadiniinta u dashay Mareykanka ee ku sugan Jabuuti.

Dibadbaxa ay mucaaradka dhigayaan ayaa waxaa uu yahay mid looga soo horjeedo xariga iyo waliba jir-dilka loo geystay Duuliye Fu’aad Yusuf oo ka tirsan Ciidamada Cirka ee dowladda Jabuuti.

Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waxaa ay uga digtay muwaadiniinteeda inay tagaan Xaafadaha kala ah, Sheekh Muuse, PK12, Garoonka Guuleed iyo Balbala, halkaas oo banaanbaxyada ay ka dhici karaan.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya dowladda Jabuuti,waxaana Gudaha dalkaasi ku leedahay Saldhig weyn oo ay ka howlgallaan Ciidamada howlgalka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano ( Africom).

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.