Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Jubbada Dhexe

0 162

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah Ururka Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa,” sidaasina waxa qoraalka AFRICOM ku yiri Gen. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta weerarkaasi ee uu Mareykanku ilaa iyo hadda sameeyay ay muujineyso in saldhigaasi ay Al-Shabaab lahaayeen la burburiyay, laba ka mid ah Xubnihii halkaas ku sugnaana ay dhaawacmeen.

Qoraalku waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan jirin cid rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah si joogta ah uga fuliya Soomaaliya iyagoo la Al-Shabaab ee inta badan ku sugan gobolada jubbooyinka, shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe, Baay iyo Bakool.

Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan Kooxda Daacish ee ku suganb buuraleyda Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.