Mareykanka tiradda dhimashadda Corona Virus oo gaartay 18,777

0 495

Mareykanka ayaa soo sheegay 2,108 dhimasho coronavirus ah muddo 24 saac gudahooda ah sidda ay shaacisay Hay’adda u xil saaran la tacaalida Corona Virus.

Waa Kororkii ugu badnaa ee dhimashadda maalinlaha ah ee dalka Mareykanka tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

Waxaa ay sidoo kale noqoneysaa tiraddii ugu badneyd ee taariikhda hal maalin u dhimata Corona Virus ah tan iyo markii dhamaadkii 2019-kii uu kasoo bilowday Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Tirada guud ee dhimashada Mareykanka gaareysa 18,777 sidda ay ku warantay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Dhanka kale, tirada kiisaska la xaqiijiyay ee Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 501,000 Sabtidii.

Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.7 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 376,000.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.