Markab ku xirtay Dekeda Baraawe (SAWIRRO)

0 234

Dekeda magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa markii ugu horeysay ku soo xirtay Markab sida la sheegay sida Saanad Millitari.

Markabkan ayaa waxa uu Saanad Millitari u sidaa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyada oo wixii hada ka dambeeya la qorsheynayo in laga dejiyo rarka uu sido.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Ibraahim Cali Aadan (Najax), Saraakiil Ciidan oo isugu jira kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo xubno kale ayaa goobta ku sugnaa xilliga uu soo xiranayay Markabka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim (Najax) ayaa sheegay in Markabkan uu saanad iyo sahay u sido Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baraawe

“Waxaa Dekada Baraawe Ku soo xirtay Markab sida Saadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo AMISOM, waxaana Suura geliyay Nabada iyo Horumarka ka jira Magaalada Baraawe.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan dayactir ku sameyn doonaan garoonka diyaaradaha Baraawe, si uu uga qeyb qaato baahiyaha ka jira Baraawe

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.