Mashaariicda Qatar ee Soomaaliya oo dhowaan bilaabanaya

0 429

Wasiirka Qorsheynta Maalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in maalmaha soo socda la bilaabayo fulinta wajiga Koowaad ee Mashriicda Hormarineed ee Dowlada Qatar ay ka fulineyso Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in mashaariicdan Dowladda Qatar maalmaha soo socdo ay bilaabeyso lagu qiimeeyay lacag dhan 200 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, isaga oo kaga mahadceliyay Qatar kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka iyo dowlada.

Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90-KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30-KM, dib u dhiska qaar ka mid ah Xarumaha dowladda iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowladda.

Heshiiskan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Magaalada Muqdisho waxay ku kala saxiixdeen 28- bishii November ee sanadkan, iyadoo la rajeynayo in Heshiiskan uu qeyb ka qaato qorshaha Qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta dhaqaalle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.