Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Diinta oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

0 145

Gaari nooca raaxadda ah oo maraayay degmada Boondheere, gaar ahaan Agagaarka Wasaaraddii hore Amniga ayaa saaka qarxay xilli ay saarnaayeen 3 ruux.

Gaariga Qarxay ayaa noociiso ahaa Viller, waxaana saarnaa wiil iyo Gabadh walaalo ah iyo Hooyadood.

Sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonkaro wiilkii oo waday gaariga ayaa dhintay, Maadaama kursiga uu ku fadhiyay lagu xiray Qaraxa.

Sidoo kale Waxaa dhaawacmay Hooyadiis iyo Gabadha la dhalatay.

Wiilka dhintay waxaa magaciisa lagu sheegay Fu’aad Saleebaan Jaamac,waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada uu ka baxay Madaxa qeybta Shaqaalaha ee Waaxda Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaardda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta JFS, Fu’aad Saleebaan Jaamac, oo saaka gacan ka xaqdaran ku dishay Muqdisho” Sidaasi waxaa yiri Wasiir dowlaha Wasaaradda Diinta.

Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray gabadh da’yar oo ku sugneyd meesha uu gaarigu uu ku qarxay.

Gaariga ayaa u socday Garoonka Aadan Cadde, waxaana la sheegay in uu wiilka uu waday Hooyadiis dhawaan ka timid Hargeysa, islamarkaana howllo Caafimaad loo Keenay Muqdisho, waxaana Saaka ay u socotay Hargeysa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.