Mas’uuliyiin ku geeriyootey Qaraxii maanta kadhacay isgoyska sayidka ee m/muqdisho

0 174

Waxaa isasoo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qarixii Maanta barqadii ka dhacay Bar Koontorool oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaalada muqdisho.

Daka qaraxaas ku dhintey ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka Bile Ismaaciil Diiriye iyo Cabdirashiid Sharaar oo kamid ahaa la-taliyeyaasha Xafiiska gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaas oo lagu daweynayo qaar kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax dheere waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux halka Lix kale ay ku dhaawacmen walow dhimashada ay intaasi ka badan tahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.