Maxaa ka jira in Ruushka uu saldhig ciidan ka sameysan doono Somaliland?

0 203

Warabaahinta Caalamka ayaa qortay in dowladda Ruushka ay qorsheysay in ay saldhig ciidan ka sameysato degmada Saylac oo ku taalla Xadka Somaliland iyo Jabuuti, islamarkaana ay Somaliland maamusho.

Dowladda Ruushka waxa ay bilowday Qorshaha Saldhigga laga dhisaayo Somaliland sanadkii 2017-kii horraantiisii, waxaana diplomaasiyiin ruush ah ay la kulmeen Madax ka tirsan Somaliland.
Boga Warfaafinta Alt-Media portal South ayaa daabacay Warbixin ku saabsan Saldhiggaasi oo dowladda Ruushka ay waydiisatay Somaliland.

Diplomaasiyiin Ruush ah ayaa xaqiijiyay in Somaliland ay diyaar u tahay in ruushka xiriir wanaagsan la yeelato, islamarkaana Saldhigga aqoonsi loogu badello.

Dowladda Ruushka waxa ay doonaysaa in ay balaariso qorshaheeda ku wajahan Geeska Afrika, waxaana la sheegay in Markii hore ay qorsheysay Itoobiya laakiin ay dhiciweysay.

Somaliland wali Ma shaacin aqballaada Heshiis ay la gaartay dowladda Ruushka oo ku aadan Saldhig ciidan oo laga sameeyo degmada Saylac.

Dowladda Imaaraadka ayaa saldhig ciidan ka wadda degmada Berbera ee Somaliland taasoo dowladdo badan aysan ka farxin.

Somaliland dunidu ma aqoonsanaa waxaana dowladda Soomaaliya ay aaminsan tahay in tahay gobollo ka mid ah Soomaaliya laakiin Sanadkii 1991 ayay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.