Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed:-(Sawiro)

0 256

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Koofur Galbeed,Waxaana intii uu Socday looga hadlay Arimaha Amniga, Saameynta dhaqan dhaqaale ee Coronavirus ku yeeshay deeganada konfur galbed , Safarkii dhawaan uu ku tagay magalada xudur iyo malmaha xurida dalka .

Wasiirka Amniga koonfur Galbeed Isaax Cali Subag ayaa Ka Warbixiyey Xaalada Guud ee Amaanka Koonfur Galbeed Waxaana uu Amaanay Howlgalada Qorshaysan ee ay Fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka kuwa Darawiishta koonfur Galbeed oo Kaashanaya AMISOM oo howl galo ka sameeyay deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Cabdinaasir caruush Wasiirka gargaarka iyo maareynta masuuboyinka Koonfur Galbeed ayaa Laga Dhageystay Warbixin ku Aadan xaalada dadka barakacyaasha Koonfur Galbeed

Shirka ayaa Sido kale Inta Uu Socday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Uga Mahadceliyey Golaha Wasiirada Shaqada ay uhayaan Shacabkooda isagoona ku Dhiira geliyey in ay Sii laba jibaaran ushaqaynta Shacabka, ay Masuulka uyihiin.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo ka Hadlay Muhiimada Safarkii uu ku Tagay magalada xudur ayaa Sheegey in Safarkaasi ahaa mid Guulo Wax ku Ool leh ku soo dhamaaday.

dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay intuu ku sugnaa magaladas ayaa xarig jar ku sameeyay dhowr mashruuc oo ay ka mid tahay xarunta madaxtooyada mamulka konfur galbed

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyey in la kordhiyo qalabka badqabka Adeegeyaasha Xarumaha Caafimaadka oo ah halyeeyo u taagan samatabixinta dadkooda iyo xakameynta cudurkan.

Wasiirka Warfaafinta dowlad gobloleedka konfur galbeed xasan cabdi maxamed ayaa ka warbixiyay muhiimada shirka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.