Maxamed Mursi oo xabsi kale lagu xukumay

0 269

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa madaxweynihii xukunka laga riday ee Masar, Maxamed Mursi, waxay ku xukuntay seddex sano oo xabsi ah, aflagaaddo uu u gaystay garsoorka darted
Mr Mursi oo si dimoqaraaddi ah loo soo doortay ka dib kacdoonkii 2011 ka dhacay Masar, ayaa waxaa xukunka ka tuuray milateriga, ka dib markii ay dheceen banaanbaxyo looga soo horjeeday siyaasadihiisa islaamka ku salaysan.
Iminka waxaa u socda xarig 27 sano ah oo lagu xukumay inuu kiciyey dilka dad banaan-baxayey.
Hogaamiyahaas hore wuxuu kaloo sugayaa in mar kale dacwad lagu soo oogo, ka dib markii xukunkii dilka ahaa ee hore loogu xukumay la laalay.
Maxkamaddu waxay iyagana min 3 sano ku xukuntay 19 qof oo maxkamadda la saarnaa, laakin nin wax ka qora arrimaha siyaasadda oo la yiraahdo Alaa Abdel Fataax, iyo wariye la yiraahdo Tawfiiq Cukaasha ayaa iyaga lagu xukumay inay ganaax bixiyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.