Maxay ka wada hadleen R.W ku-xigeenka iyo Peter De Clercq ?+SAWIRRO

0 192

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guulleed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi iyo Peter ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira Abaaraha ka jira Dalka iyo xaaladaha guud ee Mandaqadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee UN-ku ka fuliyaan Soomaaliya.

Peter ayaa Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka warbixin ka siiyay hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Qaramada Midoobay ka fuliyaan gudaha dalka iyo inay gaadhaan meelihii loogu talo galay.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah ayaa markii uu soo dhamaaday waxa Warfidiiyeenka warbixin kooban ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Avv. Mahdi Mohamed Guuleed.

”Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya Peter De Clercq ayaanu kulanay, Waxaannu ka wada hadalnay xaaladaha abaaraha ee soo noqnoqday sidii wax looga qaaban lahaa iyo inay xoojiyaan taageeradooda dhinaca gargaarka Aadanaha.” Ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Wuxuu kaloo R.W Kuxigeenku sheegay in masuulkan uu kala hadlay rabitaanka Dowladda Federaalku ku baadi goobayso siddii loo sugi lahaa inay gaaraan dadkii loogu talo galay iyo in si sax ah loo fuliyo mashaariicda, dhamaan deeqaha iyo caawimooyinka dunidda laga helo.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo dhamaaday si wanaagsan wuxuuna qayb ka ahaa Dadaalada Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso Dawlad wanaagga & Cadaalada bulshada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.