Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku riday labo Askari –

0 898

Labo Askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii maanta ay ka soo hor muuqdeen maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Somaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay askartaan inay horay u geysteen dil.

Waxa uu sheegay cadeymo la hor keenay maxkamada in la ogaaday Askartaan inay ka dambeeyan dilal ay horay u geysteen.

Labada Askari ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa kala ah Ex Dable Xooga Isaaq Maxamed Xaashi oo horay u dilay Marxuum la odhan jiray Macalin Aadan Ibraahin Cabdulle, waxaana Isaaq Maxamed Xaashi lagu xukumay dil toogasho ah.

Askariga labaad ayaa waxaa lagu magacaabaa Labo Xidigle Muxudiin Maxamuud Calasoow Ciid, wuxuu horau u dilay Siciid Cali Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Darajadeeda koowaad ayaa amray in la sii daayo labo Askari oo kale oo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasi oo wax dambi ah maxkamada ay ku weyday.

Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay cidii aanan ku qanacsaneyn xukunka inay racfaan ka qaadan karto.

Maxkamada ciidamada ayaa xukuno kala duwan ku rida Askarta Dowladda iyo ragga ka tirsan Shabaabka ee la soo eedeyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.