Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday Saddex nin

0 126

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay ku dhawaaqday xukunka dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan wuxuu ku soo eedeeyay dambiyada kala ah kamid noqoshada ururo hubeysan oo lid ku ah awoodaha qaranka, in ay ka mid ahaayeen koox weerar ku qaaday Hotel Naasa-hablood laba 28-kii bishii October 2017-kii.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay qirteen dambigii ay galeen, cod sadeena in loo naxariisto oo la cafiyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in Maxkamadda ay u cadaatay in raggan ay galeen dambigii lagu soo eedeeyay, ugu dambeyna Maxkamadda ay ku xukuntay dil toogasho ah, balse cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda ay u furun tahay racfaan.

Weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa-hablood laba ayaa waxaa ku dhintay 18 qof, halka ay ku dhaawacmeen 40 qof oo kale, waxaana dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.