Maxkamadda Racfaanka oo Amar cusub kusoo rogtay C/raxmaan C/Shakuur

0 268

Maxkamadda Racfaanka , ayaa burisay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ka gaartay dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi, sida uu Idaacada Radio baydhabo u xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta loo madax banaaneysiiyo baarista Kiiska C/raxmaan C/Shakuur Warsame.
Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto, waxaana ay sheegtay in safar dhanka dibadda ah uusan u bixi karin.
Maxkamadda Racfaankaa ayaa ganaax lacageed waxa ay dul dhigtay Qareeno ka mid ah kuwa ka shaqeeya Gobolka Banaadir.
Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000.
Sadexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.