Maxkamadeynta C/raxmaan C/Shakuur oo Muqdisho ka socota
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socota Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay laga sii daayay xabsigii uu ku jiray ee Maamo Khadiijo.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa hadda waxaa ka socota Maxkamadeynta C/raxmaan C/Shakuur waxayna maxkamaddeynta ku saabsan tahay xalaaleynta sii daysmada Siyaasigan, iyadoo loo marayo wado sharci ah.
Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad inay ku sugan yihiin xarunta Maxkamadda.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa 18-kii Bishan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii ay weerar ku qaadeen hoygiisa Magaalada Muqdisho.