Mike pence oo booqasho ku maraya dalalka Masar iyo Urdun

0 195

Mike pence Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa ugu ambabaxay bariga dhexe Booqasho afarta maalin oo horay loo baajiyay laba jeer kadib markii ay caro ka dhalatay go’aanka Madaxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Pence uu madaxda dalalka Masar iyo Urdun uu kala hadli doona arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixiada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidookale lagu wadaa in si diirran loogu soo dhaweeyo dalka Israel, halkaas oo uu kula hadli doona xilibaanada barlamaanka ee dalkaasi.

Mr Pence ayaan la kulmi doonin hogaamiyaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas oo dhaleceeyay siyaasadda Mareykanka ee Qudus

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.