Munaasabad lagu daahfurayey mashruuc lagu tababarayo shaqaalaha Radio Baidoa oo maanta Baydhabo ka dhacdey

0 226

Mashruuc socon doona lixbilood oo tababar lagu siinayo shaqaalaha warbaahinta Radio Baidoa ayaa maanta si rasmi ah loo furey.

furitanka mashruucan tababarka ah ee maanta daahfurkiisa ayaa waxaa ka soo qeyb galey isla markaana hadallo ka jeediyey mas’uuliyiin aad u badan oo uu ugu horreeyo gudoomiye kuxigeenka Degmada Beydhabo isla markaana ah kusimaha Gudoomiyaha Degmada Aadan Carab.
Guddoomiyaha ururka Dhalinyarada Beydhabo Aadan Shaati iyo Agaasime ku xigeenka warbaahinta Radio Baydhabo C/raxmaan Jiirow.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada islamarkaana ah kusimaha Degmada Aadan Carab ayaa sheegey Idaacada Radio Baydhabo in ay mudantahay siminaarkan ayna tahay Radio baydhabo idaacadii ugu horreysey ee hawada soo gasha markii laga saarey shabaab magaaladda Beydhabo iyo Dowladii hore ee (AUN) C/hi yuusuf.

Siminaarkan oo socondoona muddo 6bilood ah ayaa bixineysa hay’adda (Forumsyd) waxaana uu ku saabsanyahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta wariyayaasha Radio Baydhabo

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.