Murashixiin Kala Duwan Oo Gaaray Magaalada Muqdisho

0 44

Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport kasoo degay Maanta Murashixiin kala duwan oo dhammaantood doonaya in ay u tar-tamaan Xilka maadxweyne ee dalka.

Murashixiinta ayaa siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana ka qayb qaatay soo dhaweyntooda Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana Murashax waliba soo dhaweynayay taageerayaashiisa.

Waxaana soo dhaweynta ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira Saraakiil Ciidan, Xildhibaanno iyo Wasiiro.

Waxaana hadda soo degay ilaa shan Murashax oo kala ah Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuurWarsame, Daahir Geelle, C/qaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane, waxaana la filayaa iin Murashxiin kale ay soo gaaraan Caasimadda.

Qaar ka mid ah Murashixiinta ayaa la hadlay taageerayaashooda halka Murashixiin kalena ay dhimman yihiin oo aysan wali hadlin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.