Muwharax madaxweyne prof Cabdi Kuusow oo lagusoo dhoweeyay Baydhaba:-SAWIRO
Musharaxa madaxweyne professor Cabdi Kuusow ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhaba ayada oo ay soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed.
Professor Cabdi Kuusow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed waxna ka dhiga jaamacada Iowa ee dalka Mareykanka ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed prof. Cali Saciid Faqi iyo masuuliyiin kale.
Muaharax Cabdi Kuusow ayaa dhowaan dalka dib ugusoo laabtay isaga oo sanadihii ugu dambeeyayna dhowr jeer mashaariic kala duwan ka fuliyay gudaha dalka.