Nabadoon lagu dilay Degmada Buurhakaba

0 73

Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim ayaa Gelinkii dambe lagu toogtay, oo lagu dilay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa dhawr xabadood qaybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay Nabadoonka, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Baay.

Nabadoonka oo caan ka ahaa Degmada Buurhakaba ayaa u geeriyooday rasaastii, ay la dhaceen raggii bastooladaha ku hubeysnaa.

Ciidamada Booliska ayaa waxay wadaan baaritaan ka dhan ah raggii dilka gaystay, oo sidii looga bartayba falkaasi ka dib ay u suurtagashay inay gacanta sharciga ka baxsadaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa waxa uu xaqiijiyay dilka Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim iyo inay baxsadeen kuwii dilay.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay wadaan baaritaano ballaaran, oo ay ku doonayaan inay gacanta ugu soo dhigaan dembiile-yaashii dilkaasi gaystay.

Ma cadda sababta loo dilay Nabadoon Ooye, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu ka mid ahaa Ergadii sanadkii 2016, Xildhibaanada Baarlamaanada Somaliya ee Koonfur Galbeed ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.