Nin diley Wiil Afar Sano jir ahaa Oo laqabtey

0 250

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayay ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir,iyaga oo Gacanta ku dhigey dad lala xiriirinayo inay sameeyeen falal Amni darro.

Dadka la qabtay oo gaaraya Shan Ruux ayaa ku eedeysan in qaar kamid ah Shacabka degmada Dharkeenleey ay xilliyada qaar dhici jireen,waxaana howlgalkaas uu yimid kadib cabasho ay Dadka Shacabka ah u gudbiyeen Mas’uuliyiinta Maamulka.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Shanta Ruux ee la qabtay uu ku jiro Nin maalmo ka hor mid kamid ah Xaafadaha degmada Dharkeenleey ku dilay Wiil Afar sano jir ahaa balse uu goobta ka baxsaday.

Saraakiisha waxaa ay sheegeen in ragga la qabtay ay ku xiran yihiin Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey,isla markaana ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garoorka si loo Maxkamadeeyo.

Si kastaba howlgalkaan ay Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmadaas Dharkeenleey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay sida la sheegay ay jiran Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysanayay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.