Nin mudo 31 sano ah u xirnaa danbi uusan galin

0 229

Waa sheeko la yaab leh kaddib markii la ogaadey in Lawrence McKinney 61 sano jir ah muddo ku dhan 31 sano uu u xirnaa danbi uusan galin,isaga oo helay magdhaw lacageed oo gaaraya $1million oo dollar.

Mr. McKinney ayaa la xiray sanaddii 1978 ka dib markii lagu eedeeyay kufsi iyo burcadnimo, balse waxa xabsiga laga sii daayay 2009 ka dib markii la ogaaday bishii December in uusan wax dambi ah galin.

Waa lacagtii ugu badnayd ee ay dowladda gobolka Tennessee ebad u bixiso magdhow ahaan inta la ogyahay

Bishii October 1977, Mr McKinney ayaa lagu xiray Memphis kaddib markii ay haweeney sheegtay inuu ka mid ahaa laba nin oo ku kufsaday gurigii ay daganayd.

Waxa lagu soo oogay dacwad ah kufsi iyo burcadnimo, ka dib markii dambigii lagu soo oogay lagu helay ayaa bishii June 1978 waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.