Nin Soomaali ah oo dili rabay boqoradda UK oo xukun lagu riday

0 212

Maxkamad ku taalla dalka Ingariiska ayaa shaacisay in xukun lagu riday muwaadin Soomaaliyeed kasoo lagu eedeeyay in uu qorsheeynaayay in uu u biiro Kooxda Daacish, islamarkaana uu dilo boqoradda dalka Ingariiska.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Aweys Shiikheey ayaa haysta Dhaalashada dalka Holland ayaa kasoo hormuuqday Maxkamad ku taalla London, waxaana la sheegay in Weerarkii lagu dilay rabay Boqorada Ingiriiska, Queen Elizabeth II, iyo Ra’isul-wasarihii hore ee UK, David Cameron ay Fashiliyeen Sirdoonka UK.

Aweys Shiikheey oo 38-jir ah ayaa lagu xukumay 8 Sano oo xabsi.

Booliska Uk ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Aweys ay tashkiilisay Haweeynay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Raaqiya Xuseen,islamarkaana ay u ballan qaaday in ay guursan doonto hadii uu u biiro Kooxda Daacish.

Martin Edmunds oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dadka doonaya in ay dilaan madaxda ee weeraradooda laga hortaggo ay mudeysan doonaan xukunka Aweys oo kale.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku daba jiraan Soomaali kale oo lagu eedeeyay in ay la socdeen falka lagu soo eedeeyay Aweys Shiikheey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.