NISA oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Shabakadii Al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada

0 308

Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan Al-Shabaab, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo Sidda ay sheegtay NISA.

NISA ayaa soo bandhigtay Muuqaal iyo Sawiro muujinaya howlgalka ay fuliyeen Ciidanka iyo waxyaabihii lagu soo qabtay.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in soo qabashada shabakadaan ay sahashay wadashaqeynta shacabka iyo hay’adda Nabadsugidda (NISA).

Wali NISA masoo bandhigin Magacyadda Shaqsiyaadka lagu qabtay howlgalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.