Ozil Oo Sugila,a Inuu Markale Dib U Ciyaaro.

0 602

Ozil2

Laacibka kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa sugi la,a inuu mar kale soo galo garoomada kadib dhaawac uu lamaqnaa mudo 2 bilood iyo bar ah.

Ozil ayaa niyada u qaboojiyay taageerayaasha Arsenal wuxuuna sheegay inuu mardhaw u ciyaari doono kooxda wuxuuna intaas ku daray in haatan uu sifiican uga soo kabsanayo dhaawaca uu qabo.

26 jirkaan ree Germany oo lahaday Web-ka rasmiga ah ee kooxdiisa ayaa yiri:

 

“Ma sugi karo inaan markale dib u ciyaaro, waxaan ku socdaa wadadii aan ku soo caafimaadi lahaa waxaana u shaqeeya si adag maalin walba si aan diyaar u noqdo waqti dhaw, ma sugi doono wax badan si aan u ciyaaro mar kale”.

Ozil ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Chelsea 2-0 ku garaacday kooxda Arsenal bishii October ee sanadkaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.