Puntland & Jubbaland oo Dowlada federaalka uga digeen in la siyaasadeeyo mashaariicda horumarineed.

0 177

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Axmed Maxamed Islam iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay dowladda federaalka uga digeen in la siyaasadeeyo mashaariicda horumarineed.

Qodobka 9aad oo kamid ah War-muriyeed ay kasoo saareen Shir ay ku yeesheen labada Madaxweyne Magalada Boosaaso ayaa waxaa lagu sheegay in hadii la siyaasadeeyo mashaariicda horumarineyd ay keeni karto jawi uu xoogeysto khilaafka siyaasadeed ee dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Ugu dambeyn waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,iyaga oo ku dhaliiley Warqad uu soo saarey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.